Chelsea Oo Joojisay Baacsigii Ay Ugu Jireen Jules Kounde, Sabab

Baacsigii ay Chelsea ugu jirtay daafaca dhexe ee Sevilla Jules Kounde ayaa lagu soo waramayaa in la hakiyay iyadoo Blues ay mudnaanta siinayso u dhaqaaqista Romelu Lukaku.

Thomas Tuchel ayaa doonayay Kounde isaga oo doonayay in uu ku xoojiyo daafaciisa dhexe xilli ciyaareedka cusub laakiin Sevilla ayaa dalbatay 68 milyan oo euro.

Chelsea ayaa laga diiday dalab lacag iyo xiddig ah oo ay ku doonayso xiddiga reer France iyada oo Kooxda Sevilla doonayso in ay hesho lacag kaash ah.

Sidaas darteed wargayska Sport ayaa sheegaya in ay chelsea joojisay dadaalkii ay ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe iyaga oo muhiimada siin doona saxiixa weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Lukaku.

Kooxda Chelsea ayaa Lukaku doonaysa in ay ku xoojiso weerarkeeda iyaga oo xiddiga doonaya in ay heshiis 5 sano ah ka saxiixdaan xiddiga reer Belguim suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*