Chelsea Oo Isku Qortay Taariikhda Kubada Cagta England Kadib Final-kii Carabao Cup-ka

Chelsea ayaa garaacday Tottenham lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup, iyagoo iska xaadiriyay finalka tartanka kadib natiijo 3/0 ah oo labada lugood ah.

Blues ayaa haatan noqotay kooxdii ugu horaysay ee abid u soo baxda finalka tartamada maxaliga ah 6 sano oo xidhiidh ah.

Marka lagu daro Carabao cup-ka iyo FA Cup-ka Blues ayaa Gaadhay Final-ka tartamada maxaliga ah 4 ka mid ah 5-tii sano ee ugu dameeyay.

Sanadka kaliya ee ayna wax final ah gaadhin ayaa ahaa xilli ciyaareedkii 2018/2019 markaas oo ayna wax final ah gaadhin tartamada maxaliga ah.

Si kasta ha ahatee kooxda chelsea ayaan ku fiicnayn dhamaystirka final-ka iyaga oo kaliya hal final ku uulaystay FA Cup-ka 4-tii sano ee ugu dambaysya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*