Chelsea Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Paulo Dybala

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Juventus Paulo Dybala.

Heshiiska xiddiga reer Argentine ee kooxda Juventus ayaa dhacaya 2022 laakiin laakiin Wadahadalo heshiis kordhin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay Juventus la bilowday xiddiga iyaga oo doonaya in ay ka saxiixdaan heshiis ilaa xagaaga 2025 ah.

Si kasta ha ahaatee hadii ay Juventus ku fashilanto in ay xiddiga Dybala heshiis cusub ka saxiixato waxa uu noqon doonaa xiddiga loogu doonista badanyahay xagaaga dambe.

Wargayska Tuttomercatoweb ayaa sheegaya in ay chelsea si dhaw isha ugu hayn dooto xalada ku hareeraysan xiddiga iyaga oo diyaar u ah inay u dhaqaaqdo saxiixiisa hadii uuna xiddiga 26 jirka ah heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa.

Dybala ayaa diwaan gashaday 95 gool 228 kulan oo uu ciyaaray tan ilaa markii uu Juventus kaga soo biiray kooxda Palermo sanadkii 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*