Chelsea Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Xiddig Muhiim Ah.

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddig qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Kurt Zouma.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu tababaraha cusub ee chelsea ee Frank Lampard ku faraxsanyahay qaab ciyaareedka Zouma waliba u arko kabtanka mustaqbla ee kooxda.

Dhanka kale wargayska ayaa sheegay in uu Zouma ku faraxsanyahay koxda chelsea waliba doonayo in uu sii joogo kooxda heshiisna u saxiixo.

Daafaca Zouma ayaa laf dhabar u ahaa kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 12 kulan waliba dhaliyay 3 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*