Chelsea Oo Hakiim Ziyech U Adeegsanaysa In Ay Man United Ku Garaacdo Xiddig Aad Loola Xidhiidhinayo Man United

Chelsea ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee Sevilla Jules Kounde waxayna xitaa diyaar u tahay inay heshiiska ku darto xiddiga Hakim Ziyech sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda chelsea ayaa wakhti fiican ku qaadanaysa xilli ciyaareedka tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday iyaga oo kulamo badan shabaqooda ilaashday hadana waxa ay wali doonayaan in ay la soo saxiixdaan daafac dhexe.

Wargayska AS ayaa sheeaya in ay chelsea u dhaqaaqayso saxiixa daafaca dhexe ee koxoda Sevilla ee Kounde marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa aad loo qiimeeyaa isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee daafaca ka ciyaara waliba ku jira qaab ciyaareed cajiib ah sanadihii ugu dambeeyay.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay chelsea diyaar u tahay in ay xiddiga Hakim Ziyech u soo bandhigto Sevilla si ay ugu qanciso in ay ka iibiso xiddiga marka la gaadho xagaaga.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*