Chelsea Oo Guuldaro Ku Bilaabatay Champions League, Dinamo Zagreb Ayaa Garaacday.

Kooxda chelsea ayaa guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka champions League kulan ay qaab ciyaareed niyad jab leh soo bandhigtay.

Blues ayaa kulanka ku soo gashay shaxdeeda ugu adag iyada oo uu weerarka hogaaminayo xiddiga Aubameyang  kaas oo taam u noqday kulanka.

Laakiin chelsea ayaa sii wada in ay ku dhibaatooto natiijooyinka sidii dhacday kulamadii ay ciyaartay ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Kooxda Dinamo Zagreb ayaa ciyaartay kubad orod ah iyada oo Chelsea u ogolaatay in ay kubada haysato laakiin samaynayay fursadaha ugu fiican.

Daqiiqadii 13-aad ayay kooxda Dinamo Zagreb dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mislav Orsic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Chelsea ayaa gaar ahaan si weyn ugu dhibaatootay qaybta hore ee ciyaarta iyaga oo u muuqday kuwo aan doonayn in ay natiijo kala baxaan kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Dinamo Zagreb hogaaminayso natiijo ahaan kana fiicnayd kooxda chelsea.

Qaybta dambe ayay chelsea u muuqatay kuwo ka fiican qaybtii hore laakiin kooxda Dinamo Zagreb ayaa si fiican u difaacatay xilli ayna chelsea halis badan ku samayn goolka kooxda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Dinamo Zagreb araacday kooxda chelsea isla markaas Blues dusha loo saaray guuldaradii ugu horaysay ee champions League.