Chelsea Oo Guul Weyn Ka Gaartay Chesterfield , FA Cup-ka Ayay Ku garaaceen

Chelsea ayaa iska xaadirisay wareegga 4-aad ee FA Cup-ka waxa ayna isaga baashaaleen kooxda Chesterfield oo ay ku garaaceen

Ciyaar dhan waliba ka dheeli tiran ayay soo  bandhigeen waxaana kulankaas ammaan mudan da`yarka kooxdaas ee Lewis Hall oo 17 sano jir ah

Chelsea waxa ay ciyaaaryeen  kubadda deg degsiimo leh sahal ayayna u aheyd in kubadda u gaarsiiyaan aagga goosha

Kooxda Chesterfield waxaa ku adkaa in kubada cagtooda ku daahiyaan  waxaana lagu dilay deg degsiimo keentay in watqi hore goolal lagu helo waliba 4 gool nasiinada loogu diro .

Goolashaas waxaa wada saxiixay Warner , Odoi ,Lukaku,Christensen iyo Ziyech  .

Kooxda martida waxa ay dhamaadkii keeneen goolka sharafta gaar ahaan daqiiqadii  80-aad

Balse guud ahaan Chelsea kulankaan dhan waliba waa ka dheeli tirnaayeen waana mudnaayeen guushaas .

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*