Chelsea Oo Guul Weyn Ka Gaadhay Krasnodar Sidaasna Ku Gaadhay Guusheedii 1-aad ee Champions League.

Kooxda cheslea ayaa guusheedii ugu horaysay ee champions League ka gaadhay kooxda Krasnodar kulan ka tirsanaa todobaadkii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka.

Kooxda Chelsea ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ay ka go’antahay in ay gaadhaan guul kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen tartanka champions League.

Laakiin kooxda Krasnodar ayaa iska caabin xoogan kala hor timid Blues iyaga oo ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn waliba sameeyeen fursado ay goolal ka dhalin kareen.

Si kasta ha ahaatee kooxda Krasnodar waxa ka maqnaa dhamaystirka fursadaha iyada oo uu sidoo kale Goolhaye Mendy sameeyay badbaadino cajiib ah.

Chelsea ayaa daqiiqadii 14-aad ayaa heshay rikoodhe kadib khalad lagu galay xiddiga Timo Wener waxana u Istaagay xiddiga khadka dhexe ee Jorginho.

Laakiin Jorginho ayaa birta ku dhuftay kubadii uu laaday waxana uu sidaas kaga khasaariyay rikoodhada kooxdiisa ciyaarta ayaana 0/0 sii ahayd.

Laakiin daqiqadii 37-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay xiddiga garabka ka ciyaara ee Callum Hudson-Odoi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Chelsea hogaaminayso natiijo ahaan laakiin dhanka qaab ciyaareedka iska caabin kala kulantay kooxda Krasnodar.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Kooxda Krasnodar samaysay fursado waali ah oo ay ku dhawaatay in ay goolal kaga dhaliso kooxda Chelsea.

Laakiin daqiiqadii 76-aad ayaa Chelsea loo dhigay rikoodhe waxana u Istaagay xiddiga Timo Werner kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Isla daqiqiadii 80-aad ayay chelsea heshay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Daqiiqadii 90-aad ayuu xiddiga Christian Pulisic dilay ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 4/0 ay ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea sidaas ku gaadhay guusheedii ugu horaysay ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo dhan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*