Chelsea Oo Guul Dirqi Ah Ku Bilaabatay Difaacashada Champions League, Zenit Ayay Dhaafeen.

Kooxda chelsea ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Zenit kulan ay bilaabeen difaacashada champions League iyaga oo Stamford Bridge ku garaacay kooxda reer Russia ee Zenit.

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag chelsea iyada oo Zenit u adkaysay chelsea xilli uu Thomas Tuchel xal deg-deg ah u waayay si ay kooxdiisu goolal u dhalin lahayd.

Kooxda Zenit ayaa dhankooda difaac ku jiray iyaga oo joojiyay weerarka chelsea kuwaas oo dhaafi waayay daafac adag oo ay goolkooda hor dhigteen.

Laakiin Zenit ayaan saamayn weyn ku lahayn dhanka weerarka maadama ay difaaca iyo goolka chelsea joojiyeen isku dayada kooxda Zenit.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay gool la’aan iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin inkasta oo ay labadooduba fursado sameeyeen.

Koxoda Zenit ayaa qaybtii dambe u muuqatay kuwo ka halis badan sidii hore iyaga oo marar badan halis badan galisay xilli ay chelsea ku dhibaatoonaysay in ay dhaafto daafaca Zenit.

Daqiiqadii 69-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Romelu Lukaku kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea sidaas guul ugu bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Champions league.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*