
Sheekada ciyaarta :Chelsea ayaa nasiinada Everton ugu dirtay gool rigoore ahaa kaasi oo yimid dhamaadkii waqtiga dheeriga waxaana saxiixay Jorginho daqiiqadii 53-aad
Guud ahaan ciyaarta ayaa aheyd mid jir ahaan xooggan waxa ayna Everton ahaayeen kuwo foojigan xilli Chelsea laga dareemayay neerdoosnimo
Marka laga yimaado rigoradaas , halka fursad ee xaqiiqda aheyd Everton ayaa daqiiqadii 23-aad ku sigatay balse waxaa si cajiib ah u bad baadiyay goolhaye Mendy
Everton ayaa ku wacneyd kala jaridda kubadda iyo dadajinteeda xilli Chelsea si gaabis u ahaayeen oo ma hayn wax xal ah marka kubadda ay u jiidaan afka hore Everton
Daqiiqadi 42-aad Raheem ayaa laga diiday gool sababo la xaiira offside
Soo laabashadi, labada koox kubadda waa u furneyd waa ayna dadajinayeen ciyaarta balse halis gilin muuqata ma jirirn inkastoo Everton aheyd dhankii firfircoonaa
Everton waxaa dilayay go`aan qaadasho deg deg ah marka cagtooda kubadda ay soo gasho balse ma xumeyn waxa ayan Chelsea dhibaato ka haysatay dhanka daafaca xilli macalin Tuchel daqiiqadii 64-aad badalkiisa ugu horeeyay uu sameeyay iyado uu soo giliyay Christian Pulisic iyo Ruben Loftus-Cheek iyadoo loo saaray Mount iyo Ben Chilwell
Chelsea hal abuurka ayaa ka maqnaa , Havertz ma ahen habeenkiisa waxa ayna Chelsea daquuqadu 74-aad soo giliyeen saxiixooda cusub ee Cucurella oo loo saaray u Koulibaly halka Kia la saaray waxaana lagu badalay Armando Broja
Dhamaadkii Chelsea waxa ay u muuqdeen kuwo is fahmay waliba kubadda waa ay gaasriinayeen aagga goosah Everton xilli Raheem daqiiqadii 82-aad uu sigay goosha .
Dhamaadki Chelsea wax aay jaanis siiyeen oo ay soo giliyeen Conor Gallagher oo saftay kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda koowaad Chelsea , wax aayan ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay Chelsea guusha ku raacday
Be the first to comment