Chelsea Oo Gudaha PL Ah Ka Ishaaratay Daafac Xallin Kara Dhibaatada Kooxda Haysa

Kooxda Chelsea ayaa go`aan ku gaartay in mar kale suuqa kala iibsiga ka dhex muuqdaan waxa ayna jiilaalkaan doonayaan in ay iska xoojiyaan dhanka daafaca

Kooxda Lampard waxaa ka muuqata dal daloolo daafac ah waaana midda walaac abuuri karta xilli ciyaareedkaan

Kulankoodii ugu dmabeeyay waxa ay bar bar dhac min sededx gool ah la galeen Southampton iyaga ayaana ku horeeyay goolasha waana midda calaamad su`aal dul dhigeysa daafaca Chelsea

ESPN waxa ay qoreysa in Chelsea haatan xariiro kula jiraan wakiilka Declan Rice kaasi oo u ciyaara kooxda West Ham United

Chelsea waxa ay qal qaalo ugu jiraan in West Ham ka dhaadhiciyaan in ay hoos u dhigaan qiimaha laacibka oo u muuqda mid aan suura gal aheyn January
West Ham waxa ay ku qiimeyneysaa 21 sano jirkaas aduun dhan 80 milyan oo euro

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*