Chelsea Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Gaadhay Musaqbalka N’Golo Kante.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay fikirka ah inay iibiso N’Golo Kante marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

30 jirkaan ayaa muhiim u ahaa Blues tan iyo markii uu ka yimid Leicester City sanadkii 2016, isagoo saftay 224 kulan tartamada oo dhan, isagoo kula guuleystay Premier League, FA Cup, Champions League iyo Europa League intii uu joogay Stamford Bridge.

Heshiiska Kante ee kooxda chelsea ayaa dhici doona xagaaga 2023, sida laga soo xigtay Fichajes, chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay iska iibiso xiddiga reer france sanadka dambe.

Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea aaminsantahay in ay haysato badalka Kante maadama ay kooxda ku haystaan xiddigaha Conor Gallagher iyo Billy Gilmour kuwaas oo amaah uga maqan kooxda.

Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay diyaar u tahay in ay iibiso xiddiga Kante hadii ay hesho dalab macquul ah suuqa xagaaga dame halkii ay heshiis cusub ka saxiixan lahayd xiddiga.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*