Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Xiddigaha Timo Werner & Hakim Ziyech

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansatay in ay iska iibiso xiddigaha Timo Werner & Hakim Ziyech sida ay sheegayaan wararku.

Labada xiddig ayaa yimid Stamford Bridge sanadkii hore laakiin ku dhibaatooday in ay qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigeen kooxda.

Xiddiga Werner ayaa dhaliyay kaliya 13 gool 59 kulan oo uu ciyaaray halka uu xiddiga Ziyech kaliya u ciyaaray Blues 16 kulan.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Thomas Tuchel ayaa diyaar u ah in uu suuqa dhigo labada suuqa xagaaga si uu kooxdiisa u keeno xiddigo klale oo uu ku xoojiyo weerarkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in uu Tuchel doonayo xiddiga Lorenzo Insigne Si uu ugu badalo xiddigaha Werner iyo Ziyech marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*