Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka N’Golo Kante

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga N’Golo Kante suuqa xagaagan, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Xiddiga reer France ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Frank Lampard laakiin xiddiga ayaa dhaawacyo la dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, Chelsea ayaa laga yaabaa inay iska iibiso xiddiga reer France isaga oo xiiso ka helaya tababarihiisii hore ee Antonio Conte kaas oo doonaya in uu Inter keeno xagaaga.

Si kasta ha ahaatee helitaanka xiddiga 29 jirka ah ayaan noqon doonin mid jaban marka loo eego in uu heshiis 3 sano ah wali kula jiro kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Kante ayaa sidoo kale qaata mushaar dhan 290 kun oo Gini todobaadkii waana arin dhibaato ku noqon doonta kooxaha doonaya saxiixa xiddiga.

Si kastaba ha ahaatee, Conte ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu iska indha tiro dhaawacyada iyo mushaharka sare ee xiddiga si uu ugu xoojiyo kooxdiisa kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo uu ku qaatay San Siro.

Sii Akhriso: War Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirkii Dhuusamareeb Uga Socday Maamul Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Dowlada Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*