Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Paulo Dybala & Laba Xiddig Oo Sabab U Ah.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa diiday fursad uu kula soo saxiixan lahaa Paulo Dybala sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Juventus ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Turin ka hor suuqa kala iibsiga bisha January ee soo socda.

Laakiin waxa ay u muuqataa in uuna garoonka Stamford Bridge noqon doonin meesha uu ku wajahan yahay.

Chelsea ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka tartamada oo dhan.

Inkasta oo uuna xiddiga Kai Havertz si fiican ku bilaaban xilli ciyaareedkan hadana xiddiga Hakim Ziyech ayaa saamayn ku yeeshay kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Labada xiddig ayaa xagaagii Chelsea kaga soo kala biiray kooxaha Bayer Leverkusen Iyo Ajax waxana ay rajaynaysay in ay qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigaan.

Dhanka kale Dybala ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Juventus.

Xiddiga reer Argentine ayaaku dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo tan ilaa markii uu Andrea Pirlo noqday tababaraha cusub.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ayna chelsea la soo saxiixan doonin xiddiga Paulo Dybala sabab la xidhiidha xiddigaha Ziyech & Havertz waxana ay kooxdu aaminsantahay in ayna u baahnayn Dybala suuqa January.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliland Oo Xukun Adag Oo Lacag & Xabsi Isugu Jira Ku Riday Agaasimaha Guud Ee TV-ga Astaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*