Chelsea Oo Go’aamin Karta Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang Ee Arsenal, Qaab Noocee Ah.

Weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang aya wajahaya wakhti kala guur ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa Arsenal.

Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang ee Arsenal ayaa ku xidhan Final-ka FA Cup-ka ee ay Arsenal la ciyaari doonto Chelsea xilli Gunners ka go’antahay in ay sii haysato kabtankiisa.

Laakiin heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ayuu ka hadhsanyahay hal sano waxana ay taageerayaashu ka wal-walsanyihiin in uu noqon doono kulanka Finl-ku kulankiisii uu dambeeyay ee Emirates.

Hadii ay Arsenal Chelsea ka qaado koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan xiddiga reer Gabon ayaa laga yabaaa in uu go’aansado in uu sii joogo kooxda.

Laakiin Guuldaro Arsenal soo gaadhay ayaa dhibaato weyn ku noqon doonta kooxda ku ciyaarta Emirates Stadium ee Gunners.

Sii Akhriso: Itoobiya Oo Ka Digtay Sal Dhiga Militari Ee Ay Masar Ka Doonayso Somaliland, Maxay Tahay Sababtu.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*