
Kooxda Chelsea ayaa iska xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kadib guul ay ka gaadheen kooxda yar ee Morecambe kulan ka dhacay Stamford Bridge.
Qaybta Hore:
Chelsea ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal wakhti hore ah xilli ay maamulayeen kubada.
Kooxda Morecambe ayaa iyagu ku dhibaatooday in ay u babac dhigaan kooxda Frank Lampard kuwaas oo ka awood badnaa.
Daqiiqadii 18-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mason Mount kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Blues ayaa sii waday maamulista ciyaarta iyaga oo wax walba kaga fiicnaa kooxda yar ee Morecambe kuwaas oo aan xitaa weerar hagaagsan qaadin.
Daqiiqadii 44-aad ayay Chelsea sii dheeraystay ciyaarta kadib markii uu xiddiga Timo Werner u dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ayc chelsea ciyaarta wax walba ka samaysay una qalantay goolal intaas ka badan.
Qaybta dambe:
Chelsea ayaa qaybtii dambe u muuqatay kuwo hoos u dhigay qaab ciyaareedkooda iyaga oo aan cadaadis waali ah saarin kooxda yar ee Morecambe.
Daqiiqadii 49-aad ayay chelsea dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Callum Hudson-Odoi kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea iska xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka xilli ciayareedkan.
Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumark: Gabadhey Gacaliyahaagu Hadii Uuna 3-dan Tayo Lahayn Isgaa Fogow.
Be the first to comment