Chelsea Oo Garaacday Arsenal Kulan Ka Dhacay Emirates.

Chelsea ayaa garaacday Arsenal kulan ka tirsanaa saaxiibtinimooyinka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kulan ka dhacay garoonka Emirates.

Kulanka ayaa ahaa mid uu daqiiqadihiisii ugu horeeyay ciyaaray saxiixa Cusub ee Arsenal ee Ben White kaas oo bada ku soo galay ciyaarta qaybtii dambe.

Chelsea ayaa ku hor martay goolka 1-aad iyaga oo uu xiddiga Kai Havertz dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu baas cajiib ah ka helay xiddiga Timo Werner.

Qaybtii dambe ayay Arsenal bar-baraysay goolka kadib markii uu xiddiga Granit Xhaka u dhaliyay Gunners goolka daqiiqadii 69-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay bar- baro 1/1.

Laakiin Arsenal ayaan ilaashan bar-baraha muddo dheer iyada oo daqiiqadii 72-aadba chelsea dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu markan u dhaliyay xiddiga Tammy Abraham kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay kulanka oo ay Chelsea garaacday Arsenal kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxood tijaabiyeen awoodooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*