Chelsea Oo Faa’iido Ka Heshay Ku Guulaysigii Real Madrid Ee Horyaalka La Liga.

Kooxda chelsea ayaa heli doonta lacag kaash ah kadib markii uu Eden Hazard Real Madrid ka caawiyay ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Hazard ayaa Los Blancos ku biiray xagaagii uguna biiray lacag dhan 100 milyan oo euro kadib 7 sano oo uu joogay kooxda chelsea.

Laakiin heshiiskii uu Hazard ugu biiray Real Madrid ayaa lagu daray gunooyin badan waxana ka mid ahaa in ay kooxdu hesho lacag hadii ay kooxdu ku guulaysato horyaalka La Liga ama u soo baxdo champions League.

Kooxda Frank Lampard ayaa haatan heli doonta 18 milyan oo euro kadib markii ay kooxda Zinedine Zidane ku guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Madrid aya wakhti hore u soo baxday champions League xilli ciyaareedka dambe kadib guushii 2/1 ahayd ee ay ka gaadheen kooxda Villarreal.

U soo bixista Real ee champions League ayaa la sheegayaa in ay u qalanto lacag dhan 15 milyan oo euro halka ku guulaysiga Real ee Horyaalka ay Blues ku heli doonto lacag dhan 20 milyan oo euro guud ahaan sida laga soo xigtay Sports Ration.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*