Chelsea Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso 6 Xiddig & Kai Havertz Oo Sabab U Ah.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay raadineyso inay iska iibiso lix ciyaaryahan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo xiddiga kooxda Bayer Leverkusen Kai Havertz.

Wararka Havertz la xidhiidhinaya chelsea ayaa sii xoogaysanaya kadib markii uu xiddiga reer Germany qirtay in uu ku riyoodo ka ciyaarta horyaalka Premier League.

Chelsea ayaa haatanba lacag badan suuqa galisay iyada oo la soo saxiixatay xiddigaha Timo Werner & Hakim Ziyech laakiin Frank Lampard ayaa wali doonaya in uu keeno kooxdiisa xiddiga kooxda Leverkusen.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in ay Blues doonayso in ay iska iibiso xiddigaha Marcos Alonso, Michy Batshuayi, Tiemoue Bakayoko, Kenedy, Danny Drinkwater & Emerson Palmieri si ay lacag ugu hesho Havertz.

Xiddigaha Alonso, Batshuayi & Emerson ayaa chelsea kulamo u ciyaaray kooxda xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga Bakayoko ayaa amaan ku jooga kooxda Monaco halka Drinkwater laba amaah isugu dhaafay kooxaha Getafe & Aston Villa.

Havertz ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Leverkusen intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-20, isagoo dhaliyay 17 gool isla markaana caawiye ka ka noqday sagaal kale 43 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*