Chelsea Oo Diyaarsatay Liiska 3 Daafac Oo Ay U Dhaqaaqi Doonto Xagaaga.

Tababaraha Koxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa isku diyaarinaya in uu kooxdiisa ka xoojiyo dhanka daafaca marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Daafaca Thiago Silva ayaa la filayaa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Laakiin Blues ayaa u baahan daafac dhexe maadama ayna xilli ciyaareed buuxa ku tiirsanaan karin Silva sabab la xidhiidha da’da xiddiga oo 37 sano jir ah.

Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu daafac dhexe la soo saxiixdo marka la gaadho suuqa xagaaga si uu ugu xoojiyo kooxdiisa uguna tartanto ku guulaysiga koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea haatanba diyaarsatay 4 daafac oo ay midkod u dhaqaaqi doonto xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga kooxda Atletico Madrid ee José María Giménez kaas oo uu Tuchel u arko xiddig ku haboon koxdiisa marka loo eego in uu xiddiga 26 jirku leeyahay khibrad fiican oo champions league.

Xiddiga 2-aad ayaa ah xiddiga kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konaté kaas oo dhankiisa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda reer Germany xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 3-aad ayaa ah xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba kaas oo noqon doona xiddig xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu Tuchel xiddiga u adeegsan karaa boosas kale hadii uu u baahdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*