Chelsea Oo Diyaar U Ah In Ay La Soo Saxiixato Cristiano Ronaldo Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay la soo saxiixato xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo suuqa January laakiin hal shardi ku xidhay.

Milkiilaha kooxda chelsea ee Todd Boehly taageero weyn u ah xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo waxana uu doonayaa in uu kooxdiisa u ciyaaro wax walba oo dhaca.

Laakiin Chelsea ayaa u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga hadii ay Man United iska fasaxdo xiddiga isla markaas Kansasho heshiiska uu kula jiro kooxda.

Maadama uu 6 bilood ka dhiman yahay heshiiska Cristiano Ronaldo ee Man United Blues ayaan doonayn in ay lacag ka bixiso xiddiga 37 jirka ah sidaas darteed waxa ay doonaysaa in ay xor kula wareegto.

Xiddiga Ronaldo ayaa dhinaciisa doonaya in uu isaga tago kooxda Red Devils isla markaas uuna doonayn in uu ku soo laabto kooxda kadib koobka adduunka.