Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiix Kale.

Saxafiga lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano ayaa ku waramaya in kooxda chelsea ay heshiis rasmi ah la gaartay kooxda Ajax Amsterdam si ay ula soo saxiixato daafaca tayada leh ee reer Holland ee Jorel Hato.

Romano ayaa ku sheegay akoonkiisa rasmiga ah ee X in Chelsea ay ku soo gabagabeysay heshiiska 43 milyan euro, oo lagu daray boqolkiiba iib kasta oo mustaqbalka ah.

Hato ayaa Blues ugu biiri doona heshiis todobo sano ah, iyadoo ciyaaryahanka uu muujinayo in rabitaankiisa ku biirista Chelsea ay muhiim u aheyd dhameystirka heshiiska.

Laacibka ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro London si uu u dhamaystiro heshiiska rasmiga ah ee uu ugu biirayo Blues.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga