Chelsea Oo Dhaafi Wayday Wolves & Thomas Tuchel Oo Bar-Baro Ku Bilowday Waayihiisa Premier League.

Kooxda Chelsea ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Wolves kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayuu hogaaminayay tababare Thomas Tuchel kaas oo markii ugu horaysay hogaamiyay Blues tan ilaa markii loo magacaabay kooxda.

Blues ayaa la filayay in ay si fiican u ciyaarto waliba guul ku soo dhawayso tababareheeda Thomas Tuchel.

Laakiin Kooxda ku ciyaaraysay garoonkeeda ayaa ku dhibaatootay in ay guul gaadho xilli ay Wolves qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay.

Qaybtii hore chelsea ayaan wax fursado ah samayn xilli ay Wolves si fiican u difaacatay goolkeeda sidoo kale marar badan halis galiyay goolka chelsea.

Waxa bar-baro goolal la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku fashilmeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba sameeyeen fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kareen iyaga oo si fiican u ciyaaray.

KooxdaWolves ayaa heshay dhawr fursad oo ay goolal ku dhalin kartay iyaga oo ka fursado badnaa kooxda Chelsea kuwaas oo aan samayn fursado badan.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala qaybsadeen dhibcaha kulanka iyada oo uu Tuchel bar-baro ku bilowday waayihiisa Premier Leageu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*