Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Oo Xiddig & Lacag Ah Ka Gudbisay Erling Haaland

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo uu ku jiro xiddiga weerarka ka ciyaara ee Tammy Abraham ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland si ay u helaan suuqa xagaaga.

Blues ayaa la rumaysanyahay in ay doonayso 20 jirka kaas oo ka mid noqday weeraryahayanada ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan.

Haaland ayaa dhaliyay 57 gool kaliya 59 kulan oo uu u saftay Dortmund tartamada oo dhan taas oo soo jiidatay indhaha kooxaha waaweyn ee reer yurub.

Manchester United, Real Madrid, Barcelona iyo Manchester City ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Norway laakiin chelsea ayaa u muuqata in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in ay chelsea dhigeeda Borussia Dortmund miiska u saartay lacag dhan 50 milyan oo euro iyo waliba xiddiga weerarka ka ciyaara ee Tammy Abraham si ay u hesho saxiixa Haaland inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*