Chelsea Oo Dajisay Qorshe Cusub Oo Ay Ku Doonayso Saxiixa Romelu Lukaku, Maxay Damacsantahay?

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay kooxda Inter Milan u soo bandhigtay Timo Werner si uu uga qayb noqdo heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Romelu Lukaku.

Blues ayaa la sheegayaa in ay Lukaku u calaamdsatay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa xagaagan kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa xiddiga Erling Haaland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Inter Milan chelsea ka diiday dalab lacageed oo dhan 111 milyan oo euro kaas oo ay ku doonaysay in ay ku hesho xiddiga.

Si kasta ha ahaatee saxafiga Alfredo Pedulla ayaa sheegay in ay chelsea haatan Werner ku dari doonto lacagta ay ku doonayso saxiixa xiddiga Romelu Lukaku.

Werner ayaa ku dhibaatooday chelsea xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kadib markii uu kaliya 12 bilood ka hor kaga soo biiray chelsea kooxda RB Leipzig.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*