Chelsea Oo Dajisay Qorshe Ay Dib Ugu Soo Ceshanayso Romelu Lukaku Kadib Wacdarihii Uu Ka Dhigay Inter Milan.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay suuqa xagaaga dib ula soo saxixato xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa isha ku haysa in ay xoojiso weerarka suuqa xagaaga milkiilahakooxda ee Roman Abrahamovic ayaana isha ku haya in uu keeno weeraryahan cusub inkasta oo uu Timo Werner kooxda ku soo biiray xagaagii hore.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland yahay bartilmaameedka 1-aad ee chelsea suuqa xagaaga laakiin hadii ay kooxdu waydo saxiixiisa waxa ay u dhaqaaqi doontaa saxiixa Lukaku.

Xiddiga reer Belguim aya chelsea ku soo biiray isaga oo 18 jir ah waxana uu dhawr jeer amaah uga tagay ka hor intii uuna qaab toos ah uga tagin kooxda kuna biirin Everton sanadkii 2014.

Lukaku ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka ee dhanka weerarka isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan kana hoos ciyaara Tababare Antonio Conte.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*