Chelsea Oo Dajisatay Qorshe Ay PSG Ugu Garaacayso Saxiixa Achraf Hakimi

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay PSG ku garaaci karto saxiixa xiddiga Achraf Hakimi Iyaga oo diyaarinaya dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro iyo waliba midkood xiddigaha Emerson Palmieri ama Andreas Christensen.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan diiday dalab dhan 60 milyan oo ay PSG ka soo gudbisay iyaga oo doonaya lacag ku dhaw 80 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia Dalabkaas ayaan ahayn dalabka kaliya ee ay Inter Milan heshay maadama ay chelsea miiska saartay dalab midkaas oo kale ah.

Saxafiga Gianluca Di Marzio ayaa sheegaya in ay kooxda ku guulaystay champions League haatan tahay kooxda ugu cad-cad saxiixa Hakimi sabab la xidhiidha in ay dalabkeeda 60-ka milyan ah xiddigo ku dari doonto.

Xiddiga Emerson Palmieri oo ay chelsea ku darayso heshiiska ayaa ah mid bartilmaameed u ahaa kooxda Inter Milan in muddo ah waxana laga yaabaa in ay chelea aqbasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*