Chelsea Oo Dagsatay Qorshe Ay Man City Ugu Garaacayso Saxiixa Harry Kane.

Kooxda chelsea ayaa Man City uga hor martay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane kadib markii ay Tottenham u soo bandhigtay dalab ay ku qanacday sida ay sheegayaan wararku.

Bilowgii xagaagan Kabtanka reer England ayaa ka yaabsaday Tottenham isaga oo warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxdiisa Tottenham.

Kane ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo waaweyn kuwaas oo doonaya saxiixiisa iyada oo Tottenham doonayso lacag dhan 150 milyan oo euro.

Man City ayaa ugu cad-cadayd saxiixa xiddiga kadib markii uu xiddigu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxdiisa waxana ay xitaa dalab 100 milyan ah ka gudbisay xiddiga laakiin ku fashilantay isku daygooda.

Laakiin haatan sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, chelsea ayaa haatan hogaaminaysa baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga reer England.

Wargayska ayaa sheegaya in ay chelsea diyaar u tahay in ay Tottenham miiska u saarto lacag kaash ah iyo waliba xiddiga Tammy Abaraham oo ay Tottenham u aragto badalka tooska ah ee Harry Kane.

Laakiin Man City ayaa dhankeeda diidan in ay wax lacag ah ku darto heshiiska ay ku doonayso Harry Kane iyaga oo kaliya u soo bandhigay Tottenham xiddigaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*