Chelsea Oo Dagsatay Qorshe Ay Ku Heli Karto Saxiixa Erling Braut Haaland, Xiddig U Jooga ayay Ku Badalanaysaa.

Kooxda chelsea ayaa lau soo waramayaa in ay diyaarisay qorshe ay suuqa xagaaga ku heli karto saxixia xiddiga Kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab lacag iyo waliba xiddiga Timo Werner si ay u hesho saxiixa xiddiga Erling Braut Haaland suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Norway ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican qaarada yurub xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda Borussia U dhaliyay 47 gool 48 kulan oo uu saftay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Haaland ayaa bartilmaameed u ah kooxaha waaweyn ee reer yurub kana mid yihiin Real Madrid, Man United, Man City, Barcelona iyo Liverpool laakiin Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay Blues diyaar u tahay in ay lacag iyo waliba xiddiga Werner isagu darto Dortmund si ay u hesho saxiixa xiddiga Haaland xagaaga.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii ay kooxda Dortmund xaqiijisay in ay xiddiga 20 jirka ah ku qiimayso ugu yaraan lacag dhan 150 milyan oo euro hadii ay doonayaan in ay iibiyaan xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*