Chelsea Oo Dagsatay Qorshe Ay Arsenal Ugu Garaacayso Saxiixa Ben White.

Kooxda chelsea ayaa si dhab ah u gashay baacsiga loogu jiro daafaca dhexe ee Ben White kaas oo ay u doonayso in ay ku xoojiso daafaca dhexe ee kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha Kooxda cheslea ee Thomas Tuchel ayaa suuqa ugu jira difaac cusub waxana uu Ben White u calaamadsaday xiddiga uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Chelsea ayaa haatanba la xidhiidhay wakiilka xiddiga iyaga oo u sameeyay balanqaadyo uuna diidi karin sida champions league oo uu ka ciyaari doono iyo waliba uu boos joogto ah ka heli doono kooxda.

Dhanka kale chelsea ayaa diyaarinaysa in ay Brighton ula tagto dalab lacageed iyo waliba xiddig Callum Hudson-Odoi si ay ugu fududaato in ay hesho saxiixa xiddiga.

Brighton ayaa xiddiga Ben White ku qiimaysa lacag dhan 50 milyan laakiin Chelsea ayaa diyaar la ah lacag aan la shaacin iyo waliba xiddiga da’yarka ah ee Callum Hudson-Odoi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*