Chelsea Oo Ciyaaryahan Ka Dooneysa Man City , Qiimo Jaban Ayay Ku Heli Karaan

Kooxda Chelsea ayaa xagaagaan bartilmaameysaneysa mid ka mid ah daafacyada kooxda Man City

Sida wargeyska Mirror uu qorayo , Chelsea waxa ay isha ku hayaan saxiixa John Stones oo loo badinayo in uu baxayo .

Laacibkaas waxa uu hoos u dhacay heer ciyaareedkiisa waana midda keentay in macalin Pep in badan uusan ku tiirsaneyn laacibkaas

Wargeyskaas ayaa tilmaamaya in Chelsea ay si dhab ah u doonayaan laacibkaas oo ay rumeysan yihiin in City aysan sii haysan doonin Stones maadaama Man City ay todobaadkii hore ka soo wareegeen Nathan Ake .

Mamaulka Chelsea ayaa lagu waramayaa in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan aduun 20 milyan oo gini

Waxa xusid mudan in Man City ay laacibkaas ku soo heleen afar sanno ka hor aduun dhan 47 milyan oo gini waxa ayna xilligaas ka soo qaateen kooxda Everton

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*