
Chelsea ayaa ku bedeli doonta Enzo Maresca macalinka ka tagaya Ajax Francesco Farioli hadii macalinka reer Talyaani ku guuldareysto inuu kooxda u soo saarin champions League.
Tuttomercatoweb ayaa ku warameysa in Chelsea ay u dhaqaaqi doonto kaliya hadii Maresca uu ku fashilmo in uu kooxda u soo saaro Champions league.
Chelsea ayaa qaab ciyaareed isku dhaf ah soo bandhigtay xilli cigaareedkan iyaga oo u dagaalanaya u soo bixista champions league xilli cigaareedka dambe.
Waxa ay ku jiraan kaalinta 4-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League iyada oo horyaalka uu dhamaanayo maalinta Axada ah.
Shabakada kooxda.com ayaa fahansan in shanta kooxood ee ugu sareysa horyaalka heerka koowaad ee England ay u gudbi doonaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Si ay ugu soo baxdo Champions League, Blues ayaa ku qasbanaan doonta inay garaacdo Nottingham Forest oo marti u ah kulankoodii ugu dambeeyay ee Axada.
Aston Villa iyo Manchester City ayaa sidoo kale ku jira tartanka waxaana ay baacsanayaan Chelsea.
Chelsea ayaa soo bandhigtay rajada ay ka qabto in ay u soo baxdo Champions League habeenkii jimcaha markii ay 1-0 ku garaacday Manchester United garoonka Stamford Bridge.
Be the first to comment