Chelsea Oo Calaamadsatay Badalka Dayot Upamecano Hadii Ay Ku Fashilmaan Saxiixa Daafaca.

Daafaca kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng ayaa bartilmaameed u noqday kooxda chelsea marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Tababaraha dhawaan la magacaabay ee Thomas Tuchel ayaa la filayaa in uu daafac cusub keeno marka la gaadho suuqa xagaaga.

Daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Tababare Thomas Tuchel si uu ugu xoojiyo daafaciisa xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee Hadii ay chelsea waydo daafacaas waxa ay diyaarsatay xiddigaha kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng & Niklas Sule si ay badalka Upamecano hadii ay waayaan saxiixa daafaca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*