Chelsea Oo Bilaabanaysa Xilli Ciyaareedkeeda Europa Conference League

Kooxda chelsea ayaa wajaheysa xilli hore oo ay ku bilaabanayso ololaheeda Yurub kadib markii ay u soo baxday Europa Conference League xilli ciyaareedka.

Guushii Manchester United ay ka gaartay Manchester City finalkii FA Cup bishii May ayaa xaqiijisay u soo bixitaanka Europa League ee kooxda Erik ten Hag ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta sideedaad ee Premier League.

Guushii ay United 2-1 kaga badisay Wembley waxay la micno tahay in Chelsea, oo ku dhameysatay kaalinta lixaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore ay u dhacday Europa Conference League.

Ololaha Chelsea ee tartanka ayaa bilaabmaya bishan marka ay tartanka ku soo galayaan heerka Play-offka.

Chelsea waxa ay u baahan doontaa inay ciyaarto kulan laba lugood ah si ay boos ugu hesho wareega Group-yada ee tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga