Chelsea Oo Bayern Munich U Sheegtay Go’aan Ku Aadan Mustaqbalka Callum Hudson-Odoi

Kooxda ku guuleysatay Champions League ee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso xiddiga garabka uga ciyaara ee Callum Hudson-Odoi xagaagaan iyada oo ay Bayern Munich dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Bayern Munich xagaagii hore laakiin Chelsea ayaa diiday 4 dalab oo ay ku doonaysay xiddiga.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Bayern Munich dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay xiddiga Hudson-Odoi laakiin waxa ay rajaynayaa in ay haatan hesho saxiixa xiddiga.

Tababaraha kooxda chelsea Thomas Tuchel uu diyaar u yahay in uu iska fasaxo xiddiga suuqa xagaaga si uu u helo lacag uu ku xoojin karo kooxdiisa suuqa xagaagan.

Hudson-Odoi ayaa ciyaaray 23 kulan isaga oo dhaliyay 2 gool 3 kalena caawiye ka noqday kooxda waxana ay chelsea diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*