Chelsea Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh La Gashay Aston Villa Xilli Xiddigaha Chelsea Cabsi Laga Dareemayay.

Kooxda chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh ku dhaafi wayday kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Stamford Bridge.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood u muuqdeen kuwo kala baqayay siiba chelsea oo ay guuldaradii Arsenal hoos u dhigtay kalsoonidooda.

Kooxda Chelsea ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatootay in ay sameeyaan fursado wax ku ool ah oo la taaban karo.

Dhanka kale kooxda Aston Villa ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo ku jiray daafac ay Chelsea uga hor istaagayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Kooxda Aston Villa ayaa heshay fursado cajiib ah si la mid ah kooxda chelsea ayaa hdawr jeer ku dhawaatay in ay dhaliso goolal.

Kooxda chelsea ayaa daqiiqadii 34-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo madax gool ka dhaliyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Chelsea hogaaminayso natiijada laakiin aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican oo ay taageerayaasheedu ku qancaan.

Qaybta Dambe:

Kooxda Aston Villa ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo ka gacan sareeyay kooxda chelsea kuwaas oo aan ciyaarta qaybtii dambe si fiican ku bilaaban.

Daqiiqadii 50-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka bar-baraha iyada oouu u dhaliyay xiddiga Anwar El-Ghazi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda chelsea ayaa gacanta sare yeelatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin Aston Villa ayaan difaac galin waxana ay sii wadeen dhankooda raadinta goolka hogaanka iyaga oo biraha u garaacay chelsea.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen barbaro 1/1 ah xilli ay chelsea sii wado luminta dhibcaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*