Chelsea Oo Badalka Thiago Silva Ka Heshay Premier League, Xor Ayay Ku Doonaysaa.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayayso in ay si xor ah kula soo saxiixato daafac ka ciyaara horyaalka premier League.

Ka dib markii ay kala tageen Mauricio Pochettino usbuucii hore, mudnaanta mulkiilayaasha Todd Boehly iyo Clearlake Capital waa inay helaan bedel ku habboon

Sida ay hadda tahay, wax walbaa waxay tilmaamayaan in tababaraha Leicester City Enzo Maresca loo magacaabay beddelka Pochettino maalmaha soo socda.

Chelsea ayaa sidoo kale doonaysa in ay buuxiso booska uu baneeyay daafaca khabiirka ah Ee Thiago Silva.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Chelsea ayaa xiiseyneysa inay heshiis la gaarto daafaca Fulham Tosin Adarabioyo.

Daafaca dhexe ayaa afartii sano ee la soo dhaafay ku qaatay Craven Cottage, isaga oo wadar ahaan u saftay 132 kulan tartamada oo dhan.

Heshiiska xiddiga ayaa dhacay dhamaadkii xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu Haatan kooxaha ugu Biiro karaa qaab xor ah.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga