Chelsea Oo Badalka Mendy & Kepa Si Dhaw Ula Socon Doonta Koobka Adduunka.

Wararka Chelsea: Kooxda chelsea ayaa si dhaw u daawan doonta qaab ciyaareedka Goolhayaha kooxda Everton ee Jordan Pickford iyada oo Todd Boehly doonayo Goolhaye cusub.

Goolhayaha 1-aad ee xulka England ayaa la filayaa in uu ilaaliyo goolka xulka England koobka adduunka waxana ay chelsea u aragtaa badalka Mendy ee kooxda.

Edouard Mendy ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda chelsea suuqa January si uu ugu biiro koox uu qaab joogto ah ugu biiro qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Chelsea ayaa doonaysa saxiixa Goolhaye cusub maadama ay Goolhayayaasha Kepa Arrizabalaga & Edouard Mendy ayna ka qayb ahayn qorshaha dib u dhiska kooxda chelsea.

Maamulka Blues ayaa indha-indheeyayaal u diraya koobka adduunak si ay ula socdaan qaab ciyaareedka Goolhaye Pickford kaas oo la filayo in uu ku bilowdo koobka adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*