Chelsea Oo Badalka Kepa Arrizabalaga Ka Doonaysa Bayern Muncih

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa Goolhayaha Kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer xagaaga kaas oo ay u doonayaan badalka Kepa Arrizabalaga.

Frank Lampard ayaa la fahamsanyahay in uu suuqa ugu jiro Goolhaye cusub kadib markii uu Kepa Arrizabalaga soo bandhigay qaab ciyaareed xun inkasta oo uu noqday Goolhayaha ugu qaalisan markii uu ku soo biiray chelsea.

Goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga ayaa booskiisa u waayay Goolhaye Willy Caballero ka hor intii aan horyaalka loo joojin xanuunka Coronavirus.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Blues si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso Goolhayaha Bayern Munich ee Manuel Neuer iyaga oo doonaya 33 jirka dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Goolhayaha reer Germany ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana la fahamsanyahay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda Bayern Munich.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*