Chelsea Oo Arsenal Ka Caawin Karta Saxiixa Arthur Melo, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Ruben Loftus-Cheek si ay ugu buuxiyaan booska xiddiga Arthur Melo oo ku dhaw kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa xiddiga Arthur Melo u doonaysa in ay ku xoojiso khadka dhexe waxana ay kooxda Juventus kula jiraan wadahadalo horumar leh oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga reer Brazil.

Juventus ayaa dhigeeda Arsenal u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay u ogolaato in uu Arthur ku biiri karo kooxda Arsenal laakiin marka hore waxa ay doonayeen in ay helaan badalkiisa.

Sidaas darteed Juventus ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga Ruben Loftus-Cheek si ay ugu buuxiso booska Arthur hadii uu ku biiro kooxda Arsenal maalmaha soo socda.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah ugu dhaqaaqod xiddiga Ruben Loftus-Cheek maadama uu mushaharkiisu aad uga hooseeyo midka Athur Melo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*