Chelsea Oo 200 OO Milyan Galinaysa Suuqa Kadib Markii Laga Reebay Champions League & Xiddigaha Ay Ku Doonayso.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa galin doonto lacag dhan 200 oo milyan inta lagu jiro suuqa xagaagan inkasta oo ay haatanba la soo saxiixdeen xiddigaha Hakim Ziyech iyo Timo Werner.

Blues ayaa xoojisay dhanka weerarka kadib markii ay keentay xiddigaha Hakim Ziyech iyo Timo Werner waxana ay haatan doonaysaa in ay xoojiso khadka dhexe.

Waxa ay doonaysaa xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz kaas oo la sheegayo in uu ku dhawyahay in uu ku biiro Stamford Bridge.

Dhanka kale wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Chelsea doonayso daafaca Leicester City ee Ben Chilwell iyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda west Ham ee Declan Rice.

Dhanka kale Blues ayaa doonaysa Goolhaye Cusub iyaga oo iska fasaxaya Goolhaye Kepa Arrizabalaga kaas oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda kadib markii uu ku fashilmay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*