Chelsea Mise Real Madrid? Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Saadaaliyay Kooxda U Gudbi Doonta Final-ka Champions League.

Waxa ay saacado inaga xigtaa kulanka lugta 1-aad ee Semi-final-ka champions League kaas oo dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Chelsea kulan ka Dhici doona garoonka Alfredo Di Stefano.

Kulanka sida weyn loo wada sugayo ayaa ah kulanka dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Chelsea Semi-final-ka artanka champions League kaas oo meel gaba-gabo ah maraya xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ee Real Madrid iyo Chelsea ayaa soo kala dhaafay kooxaha Liverpool Iyo Fc Porto kulamada 8 Dhamaadka tartanka champions league iyaga oo isku balansaday wareega Semi-final-ka tartanka.

Ka hor kulanka UEFA ayaa samaysay codayn ay taageerayaasha kubada cagta ku waydiinayso kooxda ay u saadaalinayaan in ay iska xaadirin doonto Final-ka tartanka kulanka Real Madrid iyo Chelsea.

Saadaalinta ayay ka qayb qaateen taageerayaal dhan 69,524 kuwaas oo codkooda ka dhiibtay kooxda ay aaminsanyihiin in ay badin doonto iskana xaadirin doonto Final-ka tartanka champions League.

Taageeryaaal dhan 60.1% ayaa u saadaaliyay in ay Real Madrid garaaci doonto chelsea iskana xaadirin doonto Final-ka tartanka halka 39.9% ay taageerayaashu u codeeyeen kooxda Chelsea.

Suuu Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.

4 Comments

  1. Waxan rajaynaya inay chalsea badindoonto lugta hore 2-0 lugta labaad chalsea 1-2 Real Madrid sidasna chalsea kuso baxayso insha Allah

  2. Mustafe funs chelsea ah runtii rea waa koox weyn hadii aay sim/soo gadhana waa adagtahay sidii lowa badin lahaa balse chelsea guul ayaa urajen koloy buur aya layiri jabi

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*