Chelsea Mise Man United? Ben Chilwell Oo Doortay Kooxda Uu Kaga Biirayo Premier League.

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Leicester City ee Ben Chilwell ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda waliba ku biiro kooxda chelsea xagaaga.

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa doonaya xiddiga reer England ee Chilwell si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Chilwell oo jira 23 sano ayuu 4 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Leicester City.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu xiddigu doonayo in uu mustaqbalkiisa ku arko chelsea.

Waxa uu go’aankan gaadhay kadib markii ay Leicester City ku fashilantay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Chilwell ayaa iska diiday kooxda Man United kuwaas oo doonaysay saxiixsa isaga oo u sheegay in uu kaliya doonayo in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Sii Akhriso: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawlada Ee Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*