Chelsea, Man Utd Mise Leicester? Gary Neville Oo Saadaaliyay Labada Kooxood Ee U Soo Bixi Doona Champions League.

Halyeeyga Kooxda Man United Gary Neville ayaa sheegay in ay Kooxda Leicester City ugu cad-cadahay in ay Man United ku garaacdo kaalinta 4-aad ee champions League xilli ciyaareedkan maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka premier League.

Xilli ay Liverpool iyo Man City haatanba u soo bexeen champions League wax 2 boos ku dagaalmayaa kooxaha Chelsea, Leciester City iyo Man United iyada oo midkood seegi doonto boosaska champions League.

Kooxda Frank Lampard ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxaha Leicester City iyo Man United kuwaas oo wada ciyaari doonaa maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray tan ilaa dib u bilaabashadii xilli ciyaareedka laakiin waxa ay 2 dhibcood lumiyeen kulankii Southampton ee todobaadkii hore.

Halyeeyga Man United ee Gary Neville ayaa sheegay in ay natiijadaas war fiican u tahay kooxda Leicester City waliba sabab u noqon doonto in ay kooxdiisii hore seegto 4-ta boos ee ugu sareeya.

“Waxan u malaynayaa in natiijadii Southampton ay rajo weyn sisay leicester Cit”ayuu Neville u sheegay Premier League Production.

“Waxa ay u muuqatay in ay Man United maamulayso kooxda u soo baxaysa laakiin Leicester City ayaa haatan maamulaysa”.

“Haatan waxa isha lagu hayaa kulanka ay Leicester City la ciyaari doonto Tottenham kaas oo kulan weyn ah”.

“Waxan u malaynayaa in ay Leciester City haatan ugu cad-cadahay in ay Man United kala baxdo Booska 4-aa”.

Sii Akhriso: SHEEKO CUSUB: Maxaa Ka Jira In Ay Somaliland Ka Qayb Qaadanayso Wadahadalada Dhuusamareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*