Chelsea Ma Garanayso Sida Loo Adeegsado Romelu Lukaku.

Antonio Conte ma aaminsana in Chelsea ay ka shaqeysay sida loo isticmaalo Romelu Lukaku wuxuuna ku andacooday in Thomas Tuchel uusan qaab ciyaareed fiican ka soo saarayn xiddiga.

Lukaku ayaa ku soo laabtay chelsea xagaagii kadib markii ay kooxdu ka soo bixisay lacag dhan 98 milyan euro iyada oo uu xiddigu dhaliyay 4 gool 4-tiisii kulan ee ugu horeeyay.

Si kasta ha ahaatee Conte oo Lukaku kula shaqeeyay Inter Milan ayaa aaminsan in ay wax intaas ka badan ka soo socdaan xiddiga laakiin ay chelsea tahay in ay si fiican u adeegsato xiddiga kadib markii uu ku fashilmay in uu gool dhaliyo kulankii 3-aad oo xidhiidh ah kulankii Juventus ee champions League.

“Waxan u malaynayaa in uu qaban karo wax ka fiican inta haatan, marka laga tago xirfadiisa”yuu Conte u sheegay Sky Sport Italia.

“Waxa uu haatanba ku jiraa heerka ugu sareeya laakiin xiddigu waa in uu sii wadaa horumarka ilaa inta uu ciyaaraha ka fadhiisanayo”.

“Intii uu socday kulankii Juventus, Lukaku ayaa u baahnaa mararka qaar in uu is muujiyo laakiin waxa intaas ka badan waa xiddig ay adagtahay in laga hor tago sababta oo ah dhaawac ayuu gaysan karaa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*