Chelsea, Liverpool, Man United, Inter Milan, Barcelona Mise Real Madrid? Arsenal Oo Pierre-Emerick Aubameyang U Soo Bandhigtay Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid u soo bandhigtay saxiixa kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Arsenal xilli uu uu hal sano ka hadhsan yahay heshiiskiisa.

Arintaas ayaa keentay in ay kooxo waaweyn oo reer yurub ah xiiso u muujiyaan saxiixa xiddiga kuwaas oo kala ah Chelsea, Liverpool, Man United, Inter Milan, Barcelona & Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa ku adkaysanaysa in ay doonayaan in ay sii haystaan xiddiga reer Gabon iyaag oo waliba u soo bandhigay heshiis cusub.

Laakiin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa iska diidan ilaa haatan in uu ogolaado heshiiska cusub taas oo keentay in ay Arsenal ka fiirsato in ay iska iibiso xiddiga halkii ay xor ku waayi lahayd xagaaga dambe.

Advertisements

Wargayska Diario Madridista ayaa sheegaya in ay Kooxda Arsenal saxiixa kabtankeeda u soo bandhigtay kooxda Real Madrid.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal doonayso in ay xiddiga ka iibiso kooxaha reer Spain halkii ay ka iibin lahaayeen koox ka ciyaarta premier League.

Aubameyang ayaa dhaliyay 61 gool 97 kulan oo uu tartamada oo dhan u ciyaaray Arsenal isaga oo 45 gool u dhaliyay premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Samaynta Caafimaad Ee Uu Kulanka Sariirta Joogtada Ah Ku Yeesho Jidhka, Akhriso Xogan Muhiimka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*