Chelsea Iyo Man United Oo Dhaafi Wayay Bournemouth & Wolves.

Bournemouth ayaa Chelsea ku qabatay barbaro 2-2 ah kulankii wareegga 19-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League) oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa dhibcaheeda ka dhigtay 30 dhibcood, taasoo si ku-meel-gaar ah u gelisay kaalinta 5-aad, halka Bournemouth ay gaartay 23 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta 15-aad.

Bournemouth ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 6-aad kaddib gool uu dhaliyay David Brooks, balse Chelsea ayaa barbareysay daqiiqaddii 15-aad iyadoo Cole Palmer uu si guul leh u dhaliyay rigooro.

Daqiiqaddii 23-aad, Chelsea ayaa hoggaanka la wareegtay kaddib gool uu dhaliyay Enzo Fernandez, halka Bournemouth ay mar kale barbareysay daqiiqaddii 27-aad gool uu dhaliyay Justin Kluivert.

Dhinaca kale Man United ayaa Bar-Baro La Gashay kooxda ugu hoosaysa Premier League Ee Wolves Kulan ka dhacay Old Trafford.

Man United ayaa ku Hor Martay goolka laakiin waxa ay Wolves bar- baraysay ka Hor dhamaadka Qaybta hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga