Chelsea Iyo Man City Oo Loo Sheegyay Halka Waddo Ee Ay Ku Heli Karaan Marc Cucurella

Brighton & Hove Albion ayaa lagu soo waramayaa inay 45 milyan ginni dul dhigtay daafaca Marc Cucurella ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laacibka reer Spain ayaa dhawaan lagu abaalmariyay wacdarihii sanadkiisii ​​ugu horeeyay ee garoonka Amex Stadium isagoo la siiyay abaal marinta laacibka sanadka ee kooxda ee 2021-22.

23-sano jirkaan, oo ka ciyaari kara boosas badan oo dhanka bidix ah, ayaa 35 kulan ku soo bilowday horyaalka Premier League, isagoo ka caawiyay Seagulls inay ku dhameystaan ​​booska sagaalaad ee kala sareynta.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, kooxda heysata horyaalka heerka koowaad iyo Chelsea ayaa lagu wargeliyay in diyaariyaan 45 milyan ginni si loo helo heshiiska ciyaaryahanka.

Haddii Brighton qiimahaas ku iibbiyaan laacibkaas waxa ay qabaan faa`ido weyn waayo iyaga 15 milyan kaliya ayuu ugu fadhiyaa oo ay kaga soo iibsaden Catefa