Chelsea Iyo Man City Oo Dhirbaaxo Kala Kulmay Baacsigii Ay Ugu jireen Romelu Lukaku.

Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in uuna xiiso u qabin in uu ka tago kooxda Inter Milan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 27 gool isla markaana diiwaan geliyay sagaal caawin 41 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Lukaku ayaa shabaqa soo taabtay 21 jeer Serie A xilli ciyaareedkan, dhanka kale, iyadoo weeraryahanka dhexe uu door muhiim ah ka ciyaarayo kooxda Antonio Conte oo ku guulaystay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Kooxaha chelsea iyo Man City ayaa la sheegayay in ay xiiso u qabeen saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara xilli labada kooxood si weyn loola xidhiidhinayay maalmihii la soo dhaafay.

Si kasta ha ahaatee sida uu sheegayo saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, xiddiga reer Belguim ayaan diyaar u ahayn suurtagalnimada uu uga tagi karo San Siro suuqa soo socda.

“Runtii waan ku faraxsanahay inaan ahay ciyaaryahan Inter ah, waxa aan dareen gaar ah u hayaa kooxdan, sidaas darteed waxa aan go’aansaday in aan magaalada ku wareego si aan taageerayaasha ula dabaal dago”ayuu Lukaku u sheegay Sky Italia.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*